Office of the Auditor General [ Puntland State Somalia ]

Follow Us :

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐏𝐋 ayaa magaalada Garowe ku qabtay xafladda daahfurka warbixinta baarista sanad-maaliyadeedka 2024 iyo qorshaha baarista 2026, munaasabad ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan, daneeyayaal iyo hay’ado.

Ujeeddada munaasabadda ayaa ahayd in lagu soo bandhigo waxqabadka XHG ee sanadkii la soo dhaafay, isla markaana la caddeeyo jihada iyo mudnaanta qorshaha baarista ee sannadaha soo socda, si loo xoojiyo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo maamul-wanaagga hay’adaha dowladda.

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa sidoo kale la qabtay dood-wadaag furan, kaas oo lagu falanqeeyay caqabadaha jira, fursadaha horumarineed, iyo hababka ugu habboon ee lagu hirgelin karo qorshaha baarista, iyadoo la is dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah.

Mas’uuliyiintii hadallada ka jeediyay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay kormeer joogto ah oo lagu sameeyo dakhliga iyo kharashaadka dowladda, iyagoo xusay in qorshahan cusub uu door weyn ka qaadan doono ilaalinta hantida dadweynaha iyo xoojinta isla-xisaabtanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *